Hot Topics

Sawiro:-Qalabkii dhismaha Dekeda Garacad oo gaaray Garowe

Waxaa xalay si nabad ah ku gaaray caasimada Puntland ee Garowe qalabkii lagu dhisi lahaa Dekeda Garacad oo shalay kasoo anba baxay Bosaso.

Inta uu soo marayay wadada dheer ee isku xirta Bosaso iyo Garowe waxay shacabku Deegaamaada Laamiga ku teedsan kusoo dhawaynayeen Sacab iyo Mashxarad,iyagoo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Puntland Deked labaad ay hesho oo waliba ay maalgashanayaan ganacsato reer Deegaanka u dhalatay.