Hot Topics

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta u codeynaya dhismaha Guddiga Musuq maasuqa

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  yeelanaya kulankooda 16-aad ee kalfadhiga 5-aad.

Ajendaha kulanka ayaa ah saddex qodob oo Golaha Shacabka Somaliya maanta ay ka hadlayaan, waxaana Ajandayaashaasi ay kala yihiin.

1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa.

2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka.

3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka.

Sharciga batroolka ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedda inta badan dowlad goboleedyadda dalka ka jira, inkastoo maanta xubnaha Golaha Shacabka la horgeynaayo iyadoo uu marayo Aqrintii Saddexaad.