Hot Topics

Puntland oo markale lagu qadiyay Safiirada cusub Ee la magacaabay

Shirkii golaha wasiirrada dowlada dhexe maanta oo khamiis ah ku qabsoomay Villa-Somaliya,ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay shan xubnood oo kala ah:-.

1.Muxyidiin Maxamed Kaalmoo -Eelaay.
2.Xasan Daahir Dhibil-
3.Xasan Xundubey Jimcaale-Abgaal
4Maxamed Isxaaq Ibraahim-Eelaay
5.Maxamed Cali Mire-Mareexaan

Maxamed Cali Mire oo ka mid ah xubnaha la dalacsiiyay,ayay Walaalo yihiin Cabdishakuur Cali Mire oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Fadaraalka,isla markaana ay isku jifo yihiin Madaxweyne Farmaajo kana mid ah xubnaha sida weyn u taageera hogaamintiisa.
Maxamed Cali Mire,ayaa noqonaya safiirkii labaad ee beesha Madaxweyne Farmaajo loo magacaabo.
Dhanka kale safiirada la magacaabay kuma jiro hal xubin oo reer Puntland oo la filayy in lagu soo daro,madaama Safiirada hada jira ay ku leeyihiin hal-Xubin oo kaliya,taasoo ah Ebyan Ladane .
Bulshada reer Puntland oo gaaraysa 4-Milyan oo qof,ayaa shaqaalaha Dowlada Dhexe ka helay wax ku dhow Boqolkiiba sadex,iyadoo intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Farmaajo si gaar ah loo bar tilmaameedsanayay.