Hot Topics

Maxaa kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Dowlada dhexe?

Golaha wasiirrada xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska.ayaan wax la tashiya lagala samayn Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxuuna umuuqda in uu ka mid noqon doono xeerarka ay iska ansixiyaan Golaha Wasiirada Dowlada dhexe ee aan meelna laga hawlgalin.

Dhanka kale Shirka golaha wasiirrada,ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay shan xubnood oo kala ah:-.


1.Muxyidiin Maxamed Kaalmoo

2.Xasan Daahir Dhibil

3.Xasan Xundubey Jimcaale

4Maxamed Isxaaq Ibraahim

5.Maxamed Cali Mire.