Hot Topics

Video:-Sidee u dhacday booqashada Saldhiga Ciidamada Baarsanguuni Ee Axmed Madoobe?

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta kormeeray Saldhiga Ciidamada Daraawiishta ay ku leeyihiin Baarsaguuni.


Saraakiisha iyo Cutubyo ka tirsan Ciidanka,ayaa si maqaam sare leh ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Saldhigaas.


Madaxweynaha,ayaa u kuurgalayay xaalada Ciidamada xiligan lagu guda jiro bisha barakaysan ee Soonqaad.


Saldhiga Baarsanguuni oo ka mid ah fariisimada muhiimka ah ee Ciidamada Jubaland ayay tiro ka dhawr jeer isku dayeen Maleeshiyada Alshabaab in ay qabsadaan.


7-sano ee uu Madaxweyne Axmed Madoobe hogaaminayay Jubaland waxay ku talaabsatay guulo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan dhismaha Ciidamo Dowliya oo qalabakooda iyo tababarkooduba sareeyo,hoos ka daawo muuqaalka kormeerka Madaxweynaha.

Halkan ka daawo muuqaalka