Hot Topics

Video:-Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Puntland oo guul kusoo gabagaboobay

Guud ahaan Deeggaamada Puntland,waxaa maanta si guul leh ugu soo gaba-gaboobay imtixaanka Sahhaadiga ah ee ardayda dugsiyada dhexe iyo sare.

Imtixaanka Sahaadiag ah,ayaa ka dhacay 106-goobood iyo 306-iskuul,waxaana u fariistay ku dhowaad 16-kun oo arday.

Wasaaradda waxbarashada Puntland,ayaa sheegtay in imtixaanka uu ku dhammaaday sidii ay wasaaradda u qorsheysay oo guul ah.

Kusoo gabagaboowga si guul ah Imtixaanka Shaahadiga ah ee Puntland,ayaa imaanaya iyadoo kii ay soo diyaarisay Dowlada Dhexe fashilmay kadib markii si qish ah suuqa loogu kala iibsaday,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka