Hot Topics

Video:-Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray Wadada halbowlaha ah Ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa xariga ka jaray Wadada Halbowlaha ah ee Gaalkacyo,taasoo lagu sameeyay dib udayactir balaaran

Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.1km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda.

“Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka