Hot Topics

Video:-Farmaajo oo wali sii wata safaradisii aan macnaha lahayn una anba baxay Koonfur-Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo caleema saarka Madaxweyanaha dhawaan la doortay ee dalkaa

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa awooday in uu safarkan udiro Ra’isalwasaaraha ama wasiirka arimaha dibada,balse iyadoo xaalada amni iyo dhaqaale ee dalku dayacan yahay,ayuu sii wataa safaradisii aan macnaha badan ku fadhiyin.


Waxa kaliya ee uu socdaaladan isadaba jooga ah ka faa’ido waa in uu kusoo barto madax sare sawirana lasoo galo,haba yaraatee majirto wax dalka iyo dadka dan u ah oo uu ka keeno intooda badan.


Xiligii olalaha doorashada waxuu balanqaaday in uu yaran doono safarada kuan baqooli doono diyaaradaha caadiga ah,balse dhaman balanqaadyadaas waxay noqdeen ”Adaa lagu yirahadaa kii balanqaaday”.

Halkan ka daawo muuqaalka