Hot Topics

Dowladda Jarmalka oo la laabatay mashruuc Isbitaal wayn looga dhisi lahaay Garowe

Sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Dowladda Jarmalka ayaa la laabatay Mashruuc ay Isbitaal wayn uga dhisi laheyd Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Jaamac Faarax Warsame, ayaa sheegay kulamo kala duwan inay wada qaateen Hay’ad qaabilsaneyd fulinta Mashruuca Isbitaalka lagu dhisi rabay magaalada Garowe, balse ay isla garteen in la joojiyo arrintaasi.

Wuxuu sheegay xubnaha Hay’adda kulan ay wada qaateen, kadib inuu u sheegay inuusan waxba soo kordhineyn Isbitaal cusub oo laga dhiso Magaalada Garowe, xilli uu dayacan yahay Isbitaalkii hore ee Magaalada ku yaallay.

Wasiirka ayaa sheegay, dood dheer kadib in laga ogolaaday dhaqaale ka yar sidii horay loo qorsheeyay in lagu caawin doono Isbitaalka Garowe, laakiin waxay hay’addu sheegtay inaysan rajo ka qabin dhaqaalihii badnaa ee Isbitaalka ay ku bixin jirtay inay ku bixiso.

Germany ayaa horay ugu balan qaaday Maamulka Puntland in Garowe laga dhisi doono Isbitaal wayn oo lacag ahaan ku kacaya 30-Milyan, balse Mashruucaasi uu hadda noqday mid fashilmay.

Germany ayaa horay u joojisay maalgelinta wadada isku xirta Gaalkacyo & Garowe, kadib markii dadkii ka shaqeynaayay & masuuliyiinta looga shakiyay Musuq maasuq.