Hot Topics

Ciidamada Booliska oo saddex nin oo Burcad ka soo qabtay Degmada Warta Nabadda

Kadib markii xalay hawlgal ammaanka ku saabsan Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqidsho, ayaa waxa ay ku soo qabteen shaqsiyaad lagu eedeynaayo inay yihin rag Burcad ah oo Degmada Warta Nabadda iyo Degmada Yaaqshiid dadka ku dhici jiray.

Raggaan oo hubaysan ayaa la sheegay mid ka mid ah inu isku dayay baxsasho balse Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Warta Nabadda ay soo qabteen.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booiska Somaliya Zakia Xuseen ayaa sheegtay Ciidamada inay si wanaagsan ugu guuleysteen hawlgalkaasi kadib xog ay ka heleen shacabka.

“Ciidanka Booliska oo hawlgal ka fuliyay degmada Warta Nabadda kadib markii ay warbixin ka heleen shacabka degmada ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad oo hubaysan oo shacabka ku dhici jiray degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaqshiid halka mid kale isku dayay inuu baxsado. Israsaaseyn kadib ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay burcadkaas.” ayeey tiri Zakia.

Ciidamada Booliska ayaa todobaadkaan Xaafadda Cirtoogte ee Degmada Hodan ku dilay nin Burcad ahaay oo dadka halkaasi ku dhici jiray.