Hot Topics

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay habraaca Doorashada ay soo bandhigeen inuusan aheyn mid cusub

Kadib markii Maamul Goboledyada Galmudug, Jubbaland & Hirshabelle ka soo horjeesteen hanaanka habraaca Doorashooyinka Maamul Goboledyada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha soo bandhigtay, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay habraaca ay soo bandhigeen inuu yahay midkii caadiga ahaa ee horay loogu shaqeyn jiray oo aysan jirin qodobo cusub oo lagu soo kordhiyay.

Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ayaa yiri “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go,aansanay un in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub.” Ayuu yiri Wasiir Sabriye.

 “Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimuquraadiyentiisa, iyo Federaaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh, Wasaaradu kaalinbay leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbay leeyihiin, mana ku fara galin doono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada.”

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sebriya ayaa daba socda Warqad daraad ka soo baxday Xafiiskiisa oo looga hadlay Habraaca Doorashooyinka Dowlad goboleedyada Dalka.