Hot Topics

Ciidamada Jubbaland oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab isu diyaariyay (Daawo)

Ciidamada Dawladda Soomaaliya kuwa Jubbaland oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta midawga Africa ee AMISOM ayaa hawl-gal kadhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka.

Hawl-galka ayey ciidamadu si gaar ah uga sameynayaan deegaano hoos taga degmada Buur-Dhuubo.

Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee degmada Buur-Dhuubo Nuux Xuseen Daa’uud ayaa sheegay in inta badan deeganada hoos taga Al-Shabaab kala wareegeen.