Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo ” Somali waxeeda qofkii u yimaado isaga ayaa u dhimanaayo “

Xilli dhawaan Qariirada lagu soo bandhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya walaac kala duwan ay ku dhalisay shacabka Somaliyed ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hadlay walaaca dadka qaar ay ka qabaan in la qaato dhul Somali leedahay.

Xilli uu Khudbad u jeedinaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka South Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadka Somaliyed inay iska dhaafaan walaaca ay muujinayaan ee ku aadan in la qaato dhulkooda.

Wuxuu sheegay inta qof Somali ah uu soo taagan yahay oo ay ku jirto damiir Somalinimo inaysan dhaceyn in la qaato dhul Somaliyed.

 “Maalmahan waxaad maqleysaa dalkeena waa la qaadanayaa dowlad heblaayo ayaa qaadaneysa, war adiga haddii aad nooshahay dalkaaga sidee loo qaadanayaa, laakiin haddii aad dhimato ama is dhigato waa dhab dalkaaga waa la qaadanayaa waa dal fiican, Somali waxeeda qofkii u yimaado isaga ayaa u dhimanaayo, marka ha is dhiibina qobkiina kor u qaadaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 “Dad Somali ah oo la adeegsado oo Shisheeye u adeega waa jiraan hal meel aan uga soo wada jeesano, waligood waa jiri jireen, dalkeena isaga ayaan leenahay isaga ayaan ku dhimanaynaa, niyadda khayr u sheega cid dalkeena qaadan karto malahan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Farmaajo.