Kenya oo warbixin ka soo saartay xaalada Guud ee magaalada Kismaayo

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in uu kor u kacay kobaca dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee Xarunta dowlada degaanka Jubbaland.

Todoba sano ayaa laga jooga markii maleeshiyo ka soo jeeda degaanada Jubbaland iyo Milatariga Kenya ay kooxda Al-Shabaab kala wareegeen magaalada Xeebta Dhacda.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya ee ee ku sugan Kismaayo Colonel Meshack Kishoyian ayaa sheegay in amniga hada uu wanaagsan yahay hormar wacan na laga dareemayo magaalada.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhaqaalo badan uu ka soo gali jiray dhuxusha ay ka dhoofiyaan dekada iyo canshuurta ganacsatada, oo ay u adeegsan jireen falal amni Darro.

Ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Kenya ayaa ka baxaya dalka marka la gaaro sanadka 2021-da

Balse Colonel Meshack Kishoyian ayaa sheegay in howlgalo wadajir ah ay ka sameyn doonaan deegaanada wali ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa marka laga reebo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab ayaa hadane saraakiisheeda Milatariga waxay qeyb ka yihiin dhoofka dhuxusha ,sida ay sheegtay Qaramada Midoobay