Hot Topics

Suxufi lagu xiray Muqdisho


Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka shaqeeya Warbaahinta Goobjoog waxaa xarunta dambi baarista ee C.I.D lagu xiray Suxufi ka shaqeynaayay Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Suxufigan oo lagu magacaabo Cali Aadan Muumin, ayaa shalay galab la soo gaarsiiyay warqad loogu sheegaayo in kiis dacwo ah uu ka yaallo Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed, sidaasi awgeedna looga baahan yahay inuu halkaasi tago.

Cali Aadan ayaa la sheegay in saaka uu tagay Xarunta dambi baarista, markii uu gaarayna waxaa loo sheegay inuu xiran yahay, iyadoo aanan la ogeyn sababta loo xiray.

Suxufigan oo baraha Bulshada Dhacdooyinka xamar ka dhaca ku soo qora ayaanan la ogeyn rasmi ahaan sababta loo xiray, inkastoo dadka siyaabo kala duwan ay ku sheegayaan.

Ma jirto cid ka tirsan Hay’adda dambi baarista Booliska Somaliyed oo ka hadashay arrinta ku aadan xariga Suxufigaan, balse Suxufiyiinta ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xarigaan.