Hot Topics

Dowlada Masar oo xabsiga dib ugu celisay saxafi Maxamuud Xuseen

Wariyaha Tv-ga Al Jazeera Maxamuud Xuseen ayaa markale dib loogu celiyay gaal shiraha Tora ee dalka Masar sababo aan la shaacin.

Qoyska saxafigaan ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta lagu sheegay in baaritaan cusub oo ka dhan ah wariyaha ay furtay dowlada Masar.

Saxafigaan ayaa xukun la’aan horay xabsiga ugu qaatay in ka badan 880 maalmood.

Khamiistii la soo dhaafay oo Taariikhdu aheyd 21-da bisha May ayey aheyd markii maxkamada Masar ay amartay in xabsiga laga sii daayo wariyahan u shaqeeya Tv-ga laga leeyahay dalka Qatar.