Hot Topics

Kenya oo kusoo rogtay xayiraad badeecadaha Somaliya ka yimaada qaarkood

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto.

Kenya ayaa sheegtay in go’aankan oo loo qaatay sabbao amni uu waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka hawada.