Hot Topics

Akhriso – Galmudug oo go’aan cad ka qaadatay DFS

Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay go’aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia.

Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka.

Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso doorashada cusub ee maamulka Galmudug oo ka mid ah maamulada ka jira dalka.

Xukuumadda Somalia ayaa ku adkeysanaysa in doorashooyinku ay dhacaan sannadkan dhammaadkiisa, halka madaxweynaha galmudug Xaaf uu qabo in doorashadu ay dhacayso saddex sano kaddib, iyadoo murankan aan weli laga gaarin wax xal ah.

Ugu dambeyn, Tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu qaatay tallaabo uu xiriirka wada-shaqeyneed ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.