Hot Topics

Roob khaasaare gaystay oo ka da’ay Gobolka Sool ( Daawo)

Gudoomiyaha gobolka Sool ee dowladda Puntland Abdirisaq Mohamed Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey roobab ka da’ay habeenkii xalay ahayd qaybo kamid ah gobolka Sool, kuwaas gaystay khasaarayaal kala duwan.

Deegaanada Hadh Wanaag amaba Gacar lagu dhal iyo Buura Wadal oo ka tirsan gobolka Sool ayuu sheegay gudoomiyuhu in raxmaadka eebe uu saamayn ku reebay xili uu waraysi siinayey Dalmar Media isaga oo ku sugan degmada Faliidh Yaale ee gobolka Sool.

Madaxda dowladda, hay’adda kala duwan iyo bulshada ku dhaqan gobolka ayuu sheegay in looga fadhiyo ka qayb qaadashada wadada laamiga ah ee u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood oo bur bur xoogan uu haatan ka muuqdo, isagoona dhanka kale gudoomiyuhu fariin u diray shacabka ku nool gobolka Sool.