Hot Topics

Shilal kale oo Askar Puntland khasaare kasoo gaarsy oo ka dhacay Bari

Isbitaalka magaalada Carmo ayaa la gaarsiiyay dhaawaca shan askari iyo qof rayid ah.

Abaaro duhurnimadii maanta ayuu Gaari nooca loo yaqaano Candha-meylaha uu dusha ka marey Gaari Ciidan oo ay la socdeen askar ka tirsan dowladda Puntland.

Shilkaan oo noqonaya kii saddexaad oo shalay dhacay,ayaa ka dhacay Deegaanka Karin oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dhanka kale labo qof ayaa ku dhaawacmey halka 50-Neef oo ari ah ay ku le”deen,ka dib markii maanta Gaari kale oo xamuula uu ku qalimey deegaanka Laasa-dawaco ee ka tirsan Gobolka Bari.

Shilalka gawaarida waaweyn ayaa saacadihii u dambeeyay u muuqanaya kuwo noqdey sidii tusbax afka laga furey.