Hot Topics

Puntland oo digniin kasoo saartay daadadka roobka

Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowladda Puntland, ayaa ka digtay daadad ay sheegtay in ay ka dhalan karaan roobabka gu’ga ee ka da’aya degaannada Puntland, gaar ahaanna gobollada Sool iyo Nugaal.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu wargeliyay bulshada in ay ka baxaan dhulka hooseeya iyo meelaha biya-mareenka ah, sida togaga oo ay ka dhalan karaan daadad.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war galinaysaa dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo , meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobalada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale, wasaaradda ayaa wadayaasha gaadiidka ugu baaqday, in aysan gawaarida ku wadi togaga biyuhu socdaan iyo in ay baabuurta joojiyaan xilliyada roobku da’ayo, si loo ilaaliyo badbaadada rakaabka iyo hantida saaran.

Darawalada waxaa laga codsanayaa in aysan baabuurta ku dhexwadin togaga biyuhu soconayaan , xiliyada roobku da’ayona ay baabuurta joojiyaan (Barkimaan) si loo ilaasho badbaadada rakaabka iyo Hantidaba”

Digniinta ayaa ku soo aadday, xilli maalmahan dambe ay degaannada Puntland ka da’ayaan roobab mahiiggaan ah oo meelaha qaar daadad xooggan ku celiyay, inkastoo aan weli la soo sheegin khasaare ka dhashay daadadkaasi.