Hot Topics

‘Caasimada Puntland waa wareegto waxii ka danbeeya 2019!!

”Caasimada Puntland waa wareegto waxii ka danbeeya 2019!!.

Waa qabaa oo waa garab taaganahay si buuxda Xildhibaanada diyaarinaya qorshaha oranaya caasimada Puntland waa wareegto.

”Waxyaabihii Puntland dhismaheeda nagu khasbayay ee aan udadajinaynay waxaa ka mid ahaa in Garowe oo khatar ugu jirtay ka guuris aan dadka nolol usamayno si aysan Bosaso iyo Gaalkacyo ugu kala hayaamin ”ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf mar uu ka hadlay dhismihii Puntland.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka Fadaraaliga ah ee ka hana qaaday Somaliya waxay ka duulaysay in aan dalka lagu soo ururin hal magaalo ee uu wada gaaro maamulka iyo horumarka.

Hadaba Puntland-taas ku dhisan maamul daadajin heer fadaraal ah in ay umuuqato maamul hal magaalo ah waxay ceeb iyo faashil ku tahay aragtida fadaraallaynta ee ay saldhiga u tahay.

Dhanka kale si dalku uwada dhismo horumarkuna ugaaro Tuulo-ka Tuulo waa in caasimada Puntland ay noqotaa wareegto laba sanoodle ah.

Sida ugu dhakhsiyaha badan waa in dastuurka loo guda galaa wax ka badalkiisa,isla markaana ergo arinkaas ansixisa loo fariisiyaa si 2020-ka caasimadu unoqoto wareegto u dhaxaysa 9-ka Gobol ee Puntland.

Aragtidayda waxaan soo jeedin lahaa halagu bilaabo kaltanka caasimada Gobolka Sanaag xaruntiisa Badhan.

Dowladnimada Puntland ha xoogaysato.

Jibril Qoobey.