Hot Topics

”Heshiiskii Puntland iyo Shiinaha oo abuuray dareen khatartiisa leh!!!

Madaxweyne Deni,waxaa looga fadhiyaa in uu bulshada ubalbalaariyo heshiiska Shiinaha lala galay markale.

Dowladii Madaxweyne Gaas oo heshiiskan horay usoo diyaarisay ,isla markaana la saxiixatay Shiinaha waxay horay saxaafada ula wadaagtay in uu ka kooban yahay laba mashruuc oo kala ah…

B.Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

T.Wadada Garowe-Eyl.

Hadaba Bulshadu way ku farxeen dhismaha Dekeda Kaluumaysi ee soo korortay,waxaase ay fahmi la’yihiin oo ay is waydiinayaan 4-arimood oo kala ah…

B.Maxaa iska badalay heshiiskii hore?

T.Dhismihii garoonka diyaaradaha Gaalkacyo miyaa lagu badalay Dekeda Kaluumaysi ee Eyl?

J.Madhaqaalihii 50-ka Milyan ee Dolar ahaa ee garoonka diyaaradaha Galkacyo loo qoondeeyay,ayaa qayb loo leexiyay Dekeda Eyl?

4.Ma mashruucii,ayaa la balaariyay oo lagu soo daray Deked Kaluumaysi oo ay yeelato Eyl?.

Dhamaan su’aalahaas waa kuwo qabsaday goobaha Bulshadu ku kulanto iyo waliba baraha Bulshada,waxaana ay ubaahan yihiin faahfaahin dhamaystiran oo ku aadan sida dhabta ah ee ay wax ujiraan..

Dareenka shacabka marka la turjumo waxuu kusoo ururayaa baqdin ay ka qabaan kooxda khatarteeda leh ee Madaxweynaha ka agdhow in ay wax isdaba mariyaan oo fashiliyaan mashruucyadaas muhiimka u ah Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa looga fadhiyaa faahfaahin dhamaystiran !!!.

Jibril Qoobey.