Hot Topics

C.C.Warsame”Qatar iyo Itoobiya waxaa loo raadsaday dhaqaale iyo Ciidan lagu burburiyo Jubaland iyo Galmudug”

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa ka dhawaajiyay inuu jiro qorshe la doonayo in lagula dagaalamo Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo xilligan dowladda Federaalka faragelin xooggan ku heyso.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagay dalka Qatar, safaro uu horay Taliye kuxigeenka NISA ku tagay Itoobiya iyo Safarka maanta Madaxweyne Farmaajo ku tagay Itoobiya ay yihiin qorshe isla socda oo ku wajahan dagaalka Galmudug iyo Jubbaland.

“Dagaalka Galmudug iyo Jubbaland ka dhan ah waxaa awood ciidan iyo mid dhaqaale looga raadsaday Qatar iyo Itoobiya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

“Nabad iyo Nolol waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol, Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa maalmihii la soo dhaafay sii saadaalinayay safarada Madaxda dowladda ku tagayaan dalalkaas oo hadda dhab noqday, waxaana uu ka digay waxa uu ugu yeeray shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah labada dowlad goboleed ee Galmudug iyo Jubbaland, si la mid ah sidii doorashadii Koofur Galbeed oo kale.