Hot Topics

Wasiir Cawad oo baqdin daraadeed ubeeniyay warqadii uu saxiixay!!

Waxuu saxiixay Wasiirka arimaha dibada Dowlada Dhexe ee Somaliya Axmed Ciise Cawad warqad ay Dowlada Puntland kula gashay Dowlada Shiinaha heshiis horumarineed.

Maalin kadib saxiixa heshiiskaas,waxuu soo saaray warqad uu ku beeninayo in uu wax ka ogaa heshiiskaa.

Xogaha la helayo waxay sheegayaan in Khayre la hadlay waydiiyayna in uu wax ka ogaa heshiiskaas,isla markaana usaxiixay warqada Puntland ay ku gashay heshiiska.

Balse si jilicsan oo liidata ayuu uga jawaabay su’aashaas,waxayna masuuliyiin muhiim ah noo xaqiijiyeen in uu ku cataabay Wasiir Cawad erayo ay ka mid ahaayeen…

”Waxaasi waxba kama jiraan ,,uma saxiixin,…ma aqaan warqadaas,,waa been abuur. IWM”.

”Makari waayay mashruucan siyaasad mahan ee waa horumarin waxii ku saabsan horumarna waa saxiixayaa oo waa dadkaygii iyo dhulkaygii”ayuu yiri mid ka mid ah haldoorka reer puntland oo ka xumaaday liidashada Wasiir Cawad-ka lagu haysto see warqad ugu saxiixi kartaa Puntland.

Xogaha hada laga helayo Villa Muqdisho waxay sheegayaan in ay Warqad cabasho ah oo ay kaga soo horjeedaan heshiiskaaas Dowlada Shiinaha.

Isku soo wada duuboo Cawad warqadii uu shalay usaxiixay Puntland baqdin daraadeed ayuu saakay uga laabtay oo ubeeniyay.