Hot Topics

Maxaa kala socotaa barwaaqada Dalka Congo rabi ku manaystay?

Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo.

Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dhawr arrimood ku noqonasa dawladda caalamka ugu qanisan:

1-Waa waddanka ugu badan caalamka oo dhan ee ay ku duugantahay macdanta qeydhiin, waxaa lagu qiyaasa dhaqaalaha macdantaas 24 tiriliyam oo dollarka maraykanka ah.

2-waa dawladda labaad ee ugu weyn qaaradda Africa, saddex laab ayay ka weyn tahay bedka waddanka Turkey, halka maraykankana ay leegtahay rubuc ahaan bedkiisa, dadka reer Congo wuxuu noqday sannadkii (2017) 81mallion oo qof.

3-waxaa mara webiga labaad ee Africa ugu dheer, (Congo) sidoo kalena ah kan labaad ee caalamka oo dhan ugu dheer.

4-sidoo kale dalkan ayaa leh kaymaha ugu waaweyn caalamka qaar kamid ah, door-joog malaayiin ah oo kala noocyo ah, iyo dhul aad u carro san oo beerashada ku fiican.

Iyada oo intaas oo dhami jirto misana waxa uu ka mid yahay, waddamada Caalamka oo dhan ugu fakhrisan, kala badh wax ka badan dadkiisu waxay wajahayaan xaalad nololeed oo adag, sida ay sheegeen haayadaha qaramada midoobay.

Haddaba waxaan ku weydiinayaa akhriste waddankan iyo Somalia xaggay isaga eegyihiin?!

نقلت من صفحة الأخ الباحث النيجيري حكيم نجم الدين بتصرف يسير ثم قمت بترجمته إلى الصومالية.