Hot Topics

Diyaarad ay saaran yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano oo ku xaniban garoonka Wajeer.

Diyaaradda African oo galabta ka baxday Muqdisho ayaa caawa ku xaniban Garoonka Diyaaradaha Wajer, iyadoo ay saaran yihiin rakaab ku dhow boqol ruux oo ay ku jiraan Wasiiru Dowle ka tirsan Xukuumadda Labo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo rag dowlada ka tirsan.

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay ku daahday Garoonka Wajeer intii baaritaanka lagu hayay, waxaana lagu wargeliyay in aanay xilli habeen ka duuli karin Garoonka Wajeer oo aanan la ogoleyn in Garoonkaas xilli habeen diyaarad ka kacdo, sidaas uu duulimaadkooda Nairobi uu dib ugu dhacay maalinta berri.

XIGASHO: WERIYE GOLF YARE