Hot Topics

Aaran-jaan oo urursaday dhamaan lacagihii Maaliyadeed Ee Puntland?

Dhamaan curaarihii ama lacagihii ugo’i jiray hay’adaha madaxa banaan ee Dowlada Puntland waa la joojiyay.

Sidoo kale waxaa la joojiyay lacagihii fadlanta ku bixi jiray iyo gunooyinkii lasiin jiray shaqaalaha Dowlada.

Xogo aan ka helnay ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo,ayaa noo xaqiijiyay in kayd lacageed oo xoog badan uu u’ururay.

Waxa iswaydiinta mudan,ayaa ah lacagtaas faraha badan ee laga xakeemayay ilihii ay ku bixi jireen halkee loo jiheeyay?.

Waa marka hore Lacagtaas faraha badan ee la kaydiyay waxaa si buuxda umaamulaya kooxda Aaran-jaan ee Madaxweynaha ku wareegsan.

Masuuliyiin Xukuumada Puntland ka mid ah oo xog ogaal ah waxay noo xaqiijiyeen in laba jiho lacagtaas loo qoondeeyay.

-Mida koobaad waa dhisme Ciidan oo toos uga amar qaata kooxdaas,kuwaasoo hada la diyaarinayo loona dalbay Hub.

-Mida labaad waa dano ugaar ah Madaxweynaha iyo kooxda lasoo olalaysay hadana leh awooda udanbaysa ee Aaran-jaan.

Waxaa cunaha la qabtay oo laga joojiyay bulshada dhamaan noocyadii kala duwanaa ee uu ku gaari jiray dhaqaaluhu.

Wadooyinkii muhiimka u ahaa dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada way dayacan yihiin waxayna ubaahan yihiin waxkaqabasho deg-deg ah.

Ciidamadii Puntland oo laga jaray Gunooyinkii,waxaa ku filaan waayay mushahaarka yar ee usoo haray.

Kooxda Aaran-jaan oo horay bulshadu uga dharagsanayd hagardaamooyinkooda waxay hada heleen Madaxweyne u dhaga nugul oo ay taladiisa ugu danbaysa iyagu leeyihiin.

Puntland badbaaday ubaahatay!!!

Jibril Qoobey.