Hot Topics

Kooxda Aaran-jaan oo qorshaynaysa in ay xiraan Dekeda Bosaso!!

Waa waxaan la aqbali karin in Dekeda Bosaso oo ah Hooyada Puntland albaabada layskugu dhufto oo la xiro.

Kooxda Aaran-jaan ee xuurtada ku haysata Madaxweynaha waxay abuurteen shirkado iyaga ugaar ah,kuwaasoo alaabaha kasoo waaridi doona Dekeda Berbera.

Xarun weyn oo ay kusoo dagi doonaan alaabahaas kuntuneerada looga soo daabuli doono Dekeda Berbera,ayay ka dhisteen Garowe.

Ujeedka ganacsigan loo abuuray,ayaa ah in laga maarmo Dekeda Bosaso,isla markaana adeegii laga keeni jiray loo weeciyo Dekeda Berbera.

Kulankii Deni iyo Muuse Biixi ee Dubai,ayaa lagu gorfeeyay ganacsigan laguna kala saxiixday heshiis ganacsi oo dhigaya sida tan…

B.In Muuse Biixi uusan canshuur ka qaadin Kuntuneerada ay ku jiraan rarka ganacsi ee ku wajahan Garowe.

T.In Muuse Biixi lasiiyo lacag loo bixiyay adeega Dekeda booskii canshuurta.

J.In kooxda Aaran-jaan iyo Madaxweynahoodu aysan wax dagaal ah kusoo qaadin Muuse Biixi iyo Jeegaantiisa.

X.In Kooxda Aaran-jaan ay go’doomiyaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli.

Dhamaan qodobadaas waa kuwo ana la aqbali karin oo si masiiriya utaabanaya Puntland iyo jiritaankeeda dhan walba.

Hadaba waa in uu is abaabulaa baarlamaanka Puntland oo qaataa doorkisii dastuuriga ahaa.

Sidoo kale waa in beelaha Bari ay kacaan oo si walba oo ay uga hortagi karaan qorshahaas ay ku dhaqaaqaan.

Waxaa iyaguna ay tahay in ay doorkooda qaataan beelaha Dhulbahante ee dega deegaamada ay soo marayaan Gaaadidika la qorshaynayo in lagu soo daabulo ganacsigaas.

Puntland badbaado ayay ubaahatay!!!