Hot Topics

Video:-Xisbiyadii soo galootiga iyo islaamka diidanaa oo looga adkaaday Doorashada Danmark

Xalay saq dhexe ayay noqotay Ra’isalwasaaraha Dalka Boqortooyada Danmark hogaamiyaha Xisbiga Social Dimuqraadiga
Mette Frederiksen .

Waxay ahayd doorasho xamaasad kulul oo si aad ah loo sugayay natiijada kasoo baixi doonta.

Xisbiga Finistiqa iyo Xisbiyo la jaal ah oo dalka soo hogaaminyaya 8-dii sano ee lasoo dhaafay,ayaa wajahay tartan adag oo uu lagalay Xisbiga Soshal Dimuqraadiga oo ah mid ka mid ah xisbiyada dalkaas ugu saamaynta badan.

Dadka soo galootiga ah oo lagu qiyaaso in tiradoodu gaarayso Nus mIlyan,ayay doorashadan u ahay mid tixgalin gaar ah u leh,sababtoo ah waxay cadaadis xoog leh kala kulmeen 8-dii sano ee lasoo dhaafay Xisbiyada isbahaystay ee talada dalka soo hogaaminayay.

Doorashada xalay lagu dhawaaqay natiijadeeda waxay umuuqatay mid shacabka Danish-ku ay ku doorteen isbadal.

Bulshada Danish-ku waxay muujiyeen in aysan kasii gadmi karin mashruucyada Islaam fogaynta iyo ka hortagida soo galootiga,waxayna taa badalkeeda sanadkan bartilmaameedkoodu ahaa arimaha Caafimaadka,hawlgabka iyo lacagta loo yaqaan Ekaasaha.

Waxaa xusid mudan in shacabka Danish-ku udiideen codkooda Nin todobaadyadii udanbeeyay olalihiisa uu ugu ordayay Xildhibaan Baarlamaanka dalkaas ka dhigtay jarjarida Kitaabka quraanka,kuna daadinayay Suuqyada ay Bulshooyinka Islaamku ubadan yihiin,kaasoo heli waayay cod ku filan oo uu Baarlamaanka ku galo.

Sidoo kale waxaa heerkii uu joogay Boqolkiiba Sagaal iyo Toban hoos uga dhacay xisbiga Danish Folke Part oo ah Xisbi haystay Afhayeenka Baarlamaanka,isla markaana 8-dii sano ee lasood haafay talada dalka qayb ka ahaa sida weyna uga soo horjeeday soo galootiga.

isku soo wada duuboo doorashada shalay ee Danmark waxay rajo soo galisay Muslimiinta iyo ajaanibka ku dhaqan dalkaas.sidoo kale waxay fariin utahay Xisbiyada Cunsiriyiinta ah ee qaarada Yurub,gaar ahaan Dalalka Scandanavian-ka

Jibril Qoobey.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka