Hot Topics

DANIYOOW MUDUG DHEESHA KA DAAYOO, DHADHAMADAADA BISLAYSOO, U DHAANSANOW AARAN JAAN!!!!

DANIYOOW MUDUG DHEESHA KA DAAYOO, DHADHAMADAADA BISLAYSOO, U DHAANSANOW AARAN JAAN!!!!

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid C/laahi Deni oo Safar ugu maqan dalka Shiinaha mudo dhan 12 cisho ayey Madaxtoodaya dawladda Puntland waxay shalay baahisay inuu galay labo heshiis.

Mid ka mid ah heshiiskaas ayaa waxa lagu sheegay mataaneynta labada magaalo ee Tongxiang iyo Gaalkacayo, taas oo ah dheel aan laga soo dhawayn gobolka Mudug (DHAAN DABAGAALE ISKA DHEH).

Markii uu madaxweynuhu dhawaan booqday gobolka Mudug wuxuu reer Mudug u balan qaaday inuu ka shaqayn doono inay hirgalaan mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socday ama qorshaysnaa markuu xilka la wareegay(WAR MUXUU U HAFRAYAA, OO HODAYAA GOBOLKA, ISAGAA LA HAREE), kuwaas oo qaarna isku tashi ku socdeen qaarna dawladdu waday waxayna kala yihiin:

1-Dhismaha Dekedda Garacad: Isku tashi
2- Dhismo Garoonka Diyaaraded: Dawladda
3-Dhismaha wadada laamiga ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo: Dawladda
4-Dhismaha wadada Wadaagsin ee isku xirta Garacad iyo Galdogob: Isku tashi
5-Kastamka Tuur-Dibi: Dawladda
(WAR WALAALOOW GAALEEF GAALADA YAAN BEEN LOO SHEEGIN)

Kooxda Aaran Jaan oo Deni horkacaya ayaa waxay diir-diirasho ku wadaan dekedda Garacad iyo dhismihii Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, iyagoo ku talogelay inay isbaaro u dhigtaan ama bixnad ku noqdaan.

Reer Mudug uma baahna in aad Deniyoow la soo shir tagto waxaan Gaalkacyo la mataaneeyey meel aan la aqoon oo Shiine ku taal ee waxay u baahan in adiga iyo saaxibadaa aad xagal daacinta ka daysaan mashaariicda ka socota gobolka (REER MUDUG WAA WAR QABAA).

DANIYOOW MUDUG DHEESHA KA DAAYOO 
DHADHAMADAADA BISLAYSO O O
U DHAANSANOW AARAN JAAN

Mudug waa war qabtaa ……

Mahdi Yuusuf Dhuux