Hot Topics

Xaalada Sudan oo kasii dartay iyo shaqaalaha Qaramada midoobey oo laga daad guraynayo dalkaas

Hogaamiyayaasha banaanbaxyada dalka Sudan ayaa diiday soo jeedinta ah inay wada-hadal la galaan jeneraalada militariga, ayaga oo baaqaas ugu yeeray mid aan daacad laga ahayn, xilli ciidamada ammaanka ay sii wadaan beegsidooga ka dhanka ah dibad-baxayaasha.

Afhayeenka xirfadlayaasha Sudan, Mohammed Yousef al-Mustafa ayaa maanta sheegay in baaqa Jeneral Abdel-Fattah Burhan “uusan ahayn mid dhab ah,” islamarkaana “kuwa isaga ka amar qaata ay dileen dad reer Sudan ah ayna sii wadaan inay sidaas sameeyaan.”

Xiriirkan oo ka mid ah isbahaysiga ciidamada xoreynta iyo Is-beddelka oo ah isbahaysiga matalaya dibad-baxayaasha ayaa taa beddelkeeda sheegay inay sii wadi doonaa ololaha dimoqraadiyad doonka ah, si ay militariga ugu qasbaan inay maamulka dalka usoo gacan geliyaan shacabka, sida uu sheegay al-Mustafa.

Jeneral Burhan oo ah madaxa Golaha Militariga ayaa arbacadii sheegay in hogaamiyayaasha militariga ay diyaar u yihiin inay wada-hadallo dib ula billaabaan hogaamiyayaasha dibad-baxyada, si aan xadidneyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kuwa ka mas’uulka ah weerarkii lagu qaaday dadka waday banaanbaxyada fadhigga ah ee ka socda dibedda wasaaradda gaashaandhigga lala xisaabtami doono.

Dhanka kale shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Sudan,ayaa la sheegay in halkaasi laga daad-guranayo,kadib markii ay sare usii kacday xiisada dalkaasi ka taagan.

Dowlada UK,ayaa iyaduna shaacisay in ay xireyso safaaradii ay ku lahayd magaalada Khartuum.

Hawlgalo ay sameeyeen isniintii lasoo dhaafay ciidamada Sudan,ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan 40 qof oo meydadkooda shalay laga soo saaray wabiga Nile.