Hot Topics

Qaramada Midoobay oo qaxooti Soomaali ah dib ugu celinaysa dalkooda

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in 125 qof oo Soomaali ah oo qoxooti ku ahaa dalka Yemen ay dib ugu celisay Somalia, kaddib markii ay iyagu ka dalbadeen in dalkooda lagu celiyo.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in qoxootigan sababta ay u dalbadeen in Somalia lagu celiy ay ahayd kaddib markii ay xaaladda dalka Yemen ay ka dartay.

Qoxootigan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda ayaa waxaa laga soo qaaday dekedda Cadan, iyadoo la geeyay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia, waxaana ay qayb ka yihiin kumannaan qoxooti ah oo dib loogu soo celiyay Somalia, sida ay ha’yaddu sheegtay.

Sidoo kale, UNHCR, ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2017-kii ay dib ugu celisay Somalia dad gaaraya 4, 298-qof oo Somali ah, kuwaasoo qoxooti ku ahaa dalka Yemen oo ay colaado ka socdeen sannadihii ugu dambeeyay.

“Yemen waxay noqotay goobta ugu khatarta badan ee ay qoxootiga iyo dadka caadiga ah ay kala kulmaan dhibaatooyinka halista gelin kara naftooda. Waxaana si aad ah u soo xumaanaya nolosha qoxootiga halkaas ku nool iyo weliba xaaladaha nololeed ee Yemen oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta ha’yadda UNHCR.

Warbixinta ha’yadda ayaa lagu xusay in qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda dib loogu celiyay ay ku jiraan caruur yar-yar oo waddankaas ku dhashay intii ay waaliddiintooda qoxootiga ku ahaayeen.

Dhanka kale, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa hadalkeeda ku dartay inay weli ku sugan yihiin dalka Yemen qoxooti tiradoodu gaarayso 280,000 oo qof oo 90% ay kasoo jeeda Somalia, halka inta kalena ay ka yimaadeen dalal ay ka mid tahay Itoobiya.

Ugu dambeyn, UNCHR ayaa sheegtay in qulqulka qoxootiga Soomaaliyeed ee gaaraya dalka Yemen uu soo billowday sannadkii 1980-kii, iyadoo xilligii ugu badnaa ee ay qoxootiga ugu badan ay gaareen Yemen snanadkii 2009-kii oo ay Somalia ka socdeen colaado aad u ba’an.