Hot Topics

Amiir Turki al-Faysal ayaa hadlay sababtii ay Mareykan-ku badda ugu tuureen meydka Usaama Bin Laadin.

Amiir Turki al-Faysal oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Sucuudiga, ayaa ka shifay sababta ku kalliftay Mareykanka iney badda ku tuuraan Meydkanka hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

Amiir Turki oo ka qeybgalay barnaamij dood ah ayaa waxaa wax la weydiiyey sababtii meydka bin Ladin loogu tuuray badda bedelkii dhulka lagu aasi lahaa, markaa waxa uu ku jawaabay amiirku: “Sida ay Mareykanku noo sheegeen ma aaney doonen inuu yeesho muuqaal astaan ah oo ay dadku siyaartaan ama shay dadka soo aadi karaan, haddii dhul goonni ah lagu aasi lahaa, waxaa dhici kartay in uu noqdo mid ay dadku soo booqdaan oo ay siyaartaan.”  

Dhanka dilkii Usaaama bedelkii isagoo nool la qaban lahaa waxa uu ka yiri: “Arrintaa waxba kama oran karo, laakiin sida ay sheegeen markii ay qolka ugu galeen wuu hubeysnaa, sidaas ayaana lagu dilay.”

Amiir Turki waxa uu tilmaamay in Mullaa Cumar, haggaamiyihii ugu sarreeyey Daalibaan 1998 ay dhowr jeer ka codsadeen inuu Usaama iska soo dhiibo oo uu Sucuudiga u gacan geliyo, xilligii boqorkii geeriyooday ee boqor Cabdallah bin Cabdil Casiis, laakiin Mullaa Cumar uu diiday inuu dhiibo Bin Laadin.

Usama Bin Laadin ayaa la dilay 2011, isagoo ku sugan daafaha magaalada Aboot Abaad ee dalka Pakistan, howlgal ay fuliyeen ciidan si gaar ah u tababaran oo Mareykan ah.

Markii la baaray DNA oo cidda uu yahay la hubiyay, ayaa meydkiisa lagu tuuray badda, duruuf sir badan ay ku hareeraysneyd oo aan la fahmi Karin, waa sida ay sheegeen Mareykanku.