Hot Topics

Jubbaland oo digniin u dirtay dadka wada xasilooni darada

Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada.

Haddaba, maamulka Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga.

Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga dalka inay gacan-bir ah ku qabtaan cid walba oo ka qaybgalaysa kicinta bulshada, isla markaana ay hor-keenaan sharciga si looga abaal-mariyo dambiyada uu dambiilahaas ku kacay.

Haddaba, AKHRISO: Bayaanka arrintan ku saabsan ee kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland