Kenya oo lagu taliyey wada-xaajood lagu xaliyo muranka xuduud-Baddeedka Soomaaliya

Koox Khubaro ah oo ku takhasustay Hawlaha Badda oo ku sugan dalkaasi ayaa ka codsaday inay Dowladda Kenya khilaafkaasi ku xaliyaan xal Diplomaasiyadeed, maadaama ay horey ugu fashilantay inay wax ka qabtaan Dagaalka Alshabaab iyo Burcad-baddeeda Soomaalida.

Khubaradaasi oo kulan ku yeeshay Machadka Siyaasadda Afrika ee The African Policy Institute ee magaalladda Nairobi waxay sheegeen in Dowladda Kenya la gudboon tahay inay Xal wax ku raadiso, iyadoo la eegayo Nabadda Galbeeka Badda Hindiya.

Wxaay hoosta ka xariiqeen inay Kenya ku guul-daraysan doonto Kiiska Muranka Xuduud-baddeedka ee haatan hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ” ee magaalladda The Hague ee dalka Holland, taasina ay Dowladda Kwenya ku kallifi doonto inay Dowladaha Somalia iyo Tanzania ka codsadaan fasaxa Maraakiibta ku soo xiran doona Dekedda magaalladda Mombasa.