Hot Topics

Madaxweyne Deni oo guddi cusub oo Wasiiro ah Magacaabay

Xaalad adag ayaa ka taagan Degmada Caluula ee Gobalka Gardafuu iyo Degaanka kale oo katirsan Gobalkaas, kaddib markii Khooriga Badda uu kusoo fatahay Caluula, kaas oo Saameeyay 120 Guri, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Caluula.

Guddoomiyaha Caluula ayaa xusay in Dadkii deganaa 120 Guri ee biyuhu galeen, ay barakac ku yihiin Xaafado ka tirsan Degmada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Caluula ayaa xusay in Hal qof uu u geeryooday, Tiro kalena ay la il-daran yihiin Cudurka Shaban-biyood oo ka dilaacay Degaanka Xaabo ee Gobalka Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa guddi Wasiiro ah u saaray Xaalada Degmada Caluula ee Gobalka Gardafuu, si ay u soo qiimeeyaan duruufaha ka jira Degmadaas iyo Degaanada hoos-taga.

IDIL NEWS