VIDEO: Wasiirada Howlaha Guud ee DF iyo D/gobaleedyada oo booqday Buundada Midigar

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow, iyo Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedyada oo ku sugan Puntland ayaa maanta Kormeer Booqasho ku tagay Buundada Midigar ee Gobalka Nugaal.

Waftigan Wasiirada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed ee booqday Booqday Buundada Midigar, ayaa waxaa Horkacayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta Dowladda Puntland Mudane. Axmed Bashiir Muuse ( Cirro).

Wasiirada Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo Magaalada  Garoowe kaga qeyb galaya shirka kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa la filayaa inay sidoo kale booqdaan goobo kale inta ay ku sugan yihiin Puntland.