Baarlamaanka Puntland oo ku dhagan Wasiirka Amniga, eedeeyayna (Akhriso)

Guddiga Nabad-galyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan Dastuur jabin iyo in uu diiday in uu la shaqeeyo gudiga Barlamaanka u qaabilsan amniga.

Guddiga Nabad-gelyada iyo Amniga Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in qorshaha Amniga ee Wasaarada uusan ka muuqan wax qorshe ah oo la xiriira xuduudaha gaar ahaan daansiga Soomaaliland .

Sidoo kale, Gudiga ayaa Wasiirka amniga Puntland ku eedeyay qaadista lacago sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka Maaliyadeed ee Puntland, iyo Wadashaqayn la’aan Hay’adaha amniga qaarkood oo cabasho ka keenay.

Ugu Dambeyntii, Guddiga Nabad-gelyada iyo Amniga Baarlamaanka Puntland ayaa Wasiir Gallan ku eedeeyay inuu Hubeeyay Dhalinyaro arday ah, kuwaas oo sababay Xaalado amni darro oo ka jira Gobalka Bari.