Hot Topics

Gaari lagala goostay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo loo gacan geliyay Somaliland

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa Lagala goostay Gaari Nooca Cabdi billaha loo yiqiino uuna Gaaray Magaladda Laascaano, kaas oo loo gacan geliyay Maamulka Somaliland.

Gaariga ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa kala goostay Qaar kamid ah Askartii ilaalada u ahaa, kuwaas Degaanka Xudun ee Gobalka Sool ugu geeyay Ciidanka Maamulka Somaliland.

Askarta Gaariga la baxsatay ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen Saraakiil uu si weyn ugu kalsoonaa Mr. Axmed Karaash, kuwaas oo la shaqeyn jiray Madaxtimadiisa kahor, waxaana la sheegay inay jireen Tabashooyin ay ka qabeen muddooyinkan.

Wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in gaarigan uu yahay kii Saddexaad oo lagala goosto Madaxweyne ku-xigeen loona gacan gasho Maamulka Somaliland, taas oo muujinaysa kalsooni darro soo kala dhex-gashay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Ilaaladiisa.

Si kastaba ha ahaayee, Talaabadan ay ula goosteen Qaar kamid ah Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka gaariga ayaa kusoo aadeysa xilli ay dhowaan Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ay kusoo biireen Saraakiishii iyo Ciidankii Beesha Sanaag, kaddib markii ay kasoo baxeen Maamulka Somaliland oo damacsanaa inuu isu dilo beesha Gobalka Sanaag.