Madaxweyne Xaaf oo iska diiday dalab uga yimid DF Soomaaliya

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in uusan la kulmi doonin Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maadaama uu si sharci daro ah ay kusoo galeen Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hadda Magaalada kulamo kala duwan kula leh Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga soo doorto Magaalada Dhuusamareeb.

Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii Madaxweyne Xaaf uu u aqbali lahaa Wadahadal uu la galo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug tan iyo markii uu tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News