Hot Topics

Wararkii ugu danbeeyay Ee xaalada Itoobiya

Taliyihii guud ee ciidanka Itoobiya Gen
Seara Mokennon waa dhintay.

Madaxwaynihii Deegaanka Axmaarada Dr. Ambachew Mokennon waxay ubadan tahay in uu geeriyooday.

Taliyahii hore ee saadka ciidanka Itoobiya waa dhintay.

Waxaa la afduubtay Madaxii Sirdoonka Milatariga Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la afduubtay madaxii Sirdoonka Dalka Itoobiya Hassan Ibraahim.

Saraakiil kale oo muhiim ahaana waa la laayay.

Guud ahaan xaalka Itoobiya ma qurux badna.

Magaalada caasimada ah ee Adis-ababa waxaa meel walba lagu daadiyay Ciidan aad uhubaysan.

Gobolka Amxaarada wali xaalkiisu ma cada cida gacanta ku haysa,Abiye waxuu amray in Ciidanka Fadaraalku talaabo ka qaadaan Ciidamo inqilaab ku galay Madaxtooyadii Bahar-dar ee caasimada u ahayd maamulkaas.

Ra”isalwasaare Abiye waxuu Ciidanka Milatariga Fadaraalka ku booriyay midnimo iyo in aysan Qawmiyad-Qawmiyad ukala bixin dalkana ay badbaadiyaan.

Guud ahaan xaalka Itoobiya ma qurux badna.mana cada halka uu saldhigan doono.

Jibril Qoobey.