Hot Topics

Al-Shabaab oo oday waayeel ah u toogtay arin la yaab leh.

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa shalay gelinkii dambe ay ku toogteen Oday da’ ah oo 75 jir ah, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed.

Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Tooratoorow ayay Al-Shabaab isugu yeereen,waxaana halkaasi ay ku toogteen Odaygaas oo Magaciisa lagu sheegay Abshir Maxamad Cabdi.

Garsooraha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanka Tooratoorow ayaa sheegay in uu Maxkamada u soo dacwooday Nin Adeer u ah Gabadha uu Odayga Guursaday oo lagu Magacaabo Xassan Khaliif Aadan,isaga ku eedeeyay in Gabadha Hooyadeed uu horay u qabay, haatana uu Gabadha hal cunug ka dhalay.

Al-Shabaab ayaa horey dil toogasho ah ugu fuliyeen dad ay ku eedeeyeen falal kala duwan iyo inay la Shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, balse Dhacdadan ay ku toogteen ninka waayeelka ayaa ah mid ku cusub Soomaaliya.