Hot Topics

Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Xaaf oo kulan gaar ah yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Cadaado ayaa kulan gaar ah waxa uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ay uga hadleen sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug oo sanadkii ugu dambeeyay khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyay.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii ay deegaanada Galmuudg uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay ayna ka qeyb galaan dhamaan dadka ku nool deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xaaf doorka uu ka qaatay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Galmudug iyo aqbaalada in doorasho ay ka dhacdo deegaanada Galmudug, wallow weli la isku khilaafsan yahay halka lagu qabanayo doorashada Galmudug.