Hot Topics

Maxkamadda Racfaanka oo go,aan ka gaareysa Kiiska Caa’isho Ilyaas

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta mar kale u fariisanaysa Dhageysiga Racfaanka Dacwadda Kiiskii Caa’isho Ilyaas aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah fal afduub, kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Qareenada u dooday Saddex Eedeysane ee loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal ugu soo riday xukun dil ah, ayaa sabtidii hore hortagay Maxkamadda, Iyagoona akhriyay Racfaankooda.

Sidoo kale, Xeer Ilaalinta Dowladda Puntland ayaa Maxkamadda Racfaanka kahor jeedisay eedeynta Saddex nin ee loo heysto Kiiska Caa’isho, iyadoona intaas kaddib ay Maxkamaddu u balantay maalinimadii axada, wallow labo jeer ay Maxkamadda Racfaanku ay dib u dhigtay.

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa la filayaa inay maanta go,aan ka gaarto, sida ay inoo sheegeen howlwadeeno kamid ah Maxkamadda, wallow ay wax is bedeli karaan.

Fadhiga Maxkamadda Racfaanka ee maanta ayaa imaanaya xilli asbuucii lasoo dhaafay gudihiisii xabsiga loo taxaabay Taliyihii Laanta CID-da Puntland ee Gobalka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kaas oo loo heyso inuu bixiyay Macluumaad la xariira Baaritaankii Kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir lagu kufsaday Gaalkacyo bishii Febaraayo, waxaana xariga Taliyaha amray Madaxweyne Deni.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.