Hot Topics

Shaqaale ka socda dowlad gobaleedyada oo tababar uga furmay Garoowe (Sawirro)

Xarunta Wasaaradda Maaliyaadda ee Garoowe waxaa maanta ka furmay tababar loo qabtay shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Daahfurka tababarkan waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame, kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cali Jaamac Gaashaan,Keenadiid Cali Jaamac Agaasime guud kuxigeenka Maamulka iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarkan ayaa socon doona muddo labo cisho,waxaana daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ayuu sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’idaysto tababarkan.

Shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Puntland,Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa tababarkan uga qaybgalay min labo xubnood halka Dawladda Puntland ay sadex xubnood uga qayb galeen.

Casharro kala duwan ee ay baran doonaan ayaa noqon doono saadaalinta dakhliga iyo Cashuurta loo baahanyahay in ganacsatada laga qaado in loo fahmo si qoto dheer.

Tababarkan kii ka horeeyay waxa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya iyadoona kan uu noqon doono kii labaad ee lagu qabtay Puntland.

Tababarkan loo qabtay qaybta Cashuuraha Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa maalgalinaaya Bangiga Adduunka.