Hot Topics

Maamul cusub oo loo magacaabay Iskuulka Cumar Samater ee Gaalkacyo (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa maamule cusub u magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee dugsiga sare ee Cumar Samatar loogu magacaabay Cabdullaahi Cawil cali waxaana la faray in uu si karti iyo hufnaan leh u guto xilka loo magacaabay.

Sidoo kale, Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa la faray in ay maamulaha cusub ka gacan-siiyaan siduu u gudan lahaa waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmay hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah isagoo ka haray kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah.