Hot Topics

VIDEO: Ethopian Airline oo dulimaadyo ka bilowday Puntland

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethopian Airline, ayaa Duulimaadyo ka bilowday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Munaasabadda lagu daah-furayay Duulimaadyadda Shirkadda Ethopian Airline, ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, waxaan ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Shirkadda Ethopian Airline ay Dulimaadyo ka bilowdo Garoomada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Puntland, waxaana uu tilmaamay inay ku timid dadaal ay sameeyeen.