Hot Topics

Video:-Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhaweeyay Dhuusa-mareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay  gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareb.

Wafdiga Madaxweyne waare ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana wararka sidoo kale sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay ka wada hadli doonaan xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan hoose ka daawo muuqaalka