Hot Topics

DF oo qalabkooda u dhameys-tiraysa Ciidan loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa u dhameystirtay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen Urur ka tirsan Guutada 14 October oo ku jira Xerada Jen. Gordon ee ku taal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ururkan ayaa lagu magacaabaa Dal-dhis, waxaana shalay Xerada ay ku jiraan ku booqday Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoo caddeeyay in ciidankan ay u dhameystirneen hubkooda, gaadiidkooda iyo agabyadooda kale ee lagama maarmaanka u ahaa.

Taliye kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Ciidankan inay isu diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada ay ku harsan yihiin sida uu yiri.

Dhowr jeer oo hore dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciidamo ay ku sheegtay in loo diyaariyay la dagaalanka Al-Shabaab, mana jirto illaa iyo hadda duulaan rasmi ah oo ay dowladdu ku qaaday Al-Shabaab, marka laga reebo howlgallo laga sameeyay deegaano ka tirsan degmada Afgooye oo Ciidamada dib ugu qabsadeen deegaano horay uga baxeen.